Somaliland: Tirada Dadka Laga Helay Covid_19 Oo Gaadhay 254

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in 32 Qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid_19.

Wasaaradda Caafimaadku waxa kale oo ay sheegtay in hal Qof oo kale uu u Geeriyooday Xanuunka Covid_19, taasina waxay Tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Somaliland ka dhigaysaa 18 Qof.

32 Qof ee Maanta laga helay Xanuunka ayaa tirada guud ahaan Dadka Somaliland ku sugan ee Xanuunka laga helay ka dhigaysa 254 Qof.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Warkan Warbaahinta siiyey ayaa sheegay in Dadka Xanuunka laga helay Da’doodu u dhaxayso 19 illaa 89 Jir.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka