Saddex Qof Oo Ku Dhintay Roob Ka Da’ay Hargeysa

Hargeysa, (HCTV) – Alle ha u naxariistee Saddex qof ayaa ku geeriyooday roob galabnimadii maanta ka dhacay magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland.

Laba ka mid ah saddexda qof ee Geeriyooday ayuu qaaday dooxa weyn ee Hargeysa, halka qofka saddexaadna Laydh ama Koronto ku dhagtay, sida uu HCTV u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed.

Roobkan oo watay dabayl ayaa caasimada Hargeysa ka bilaabmay ku dhawaad saddexdii galabnimo waxaanu qaaday ku dhawaad lixdii makhribnimo ee maanta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.