Minneapolis Oo Lagu Soo Rogay Bandoo, Halka Askarigii Dilka U Geystay Ninka Madow Lagu Oogayo Dilka Darajada 3aad

Minneapolis, (HCTV) – Duqa magaalada Minneapolis ayaa soo rogay bandoow Jimcihii, ka dib markii xeer ilaaliyaha gobolka uu go’aamiyey in shaqada laga eryo sarkaal booliis ah oo lagu arkay muuqaal Video ah isaga oo jilibkiisa qoorta kaga haya George Floyd oo ah nin madow oo aakhirkii u geeriyooday falkaasi.

Derek Chauvin ayaa sidoo kale wajahaya xukun dil ah oo heerka labaad ah.
Qoyska Floyd iyo qareenkooda, Benjamin Crump, waxay ka careysan yihiin in Chauvin aan lagu soo oogin dambi culus.


“Waxaanu fileynay xukun dil ah oo heerka koowaad ah. Waxaan doonaynaa xukun dil ah oo heerka koowaad ah. Waxaan kaloo doonaynaa inaan aragno saraakiisha kale oo la xidhay,” ayuu yidh Crump oo ah qareenka iyo qoyska ninka madow oo qoraal soo saaray. “Waxaanu ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta inay dib u eegaan dacwadaha si ay uga tarjumaan mas’uuliyadda dhabta ah ee sarkaalkan.”
Dilka ninka Madowga ah ee George Floyd oo dibadbaxyo rabshado wata oo gilgilay magaalooyinka dalka Maraykanka waxa ay keentay in lagu soo rogo bandoo magaalada Minneapolis oo rabshadaha ugu badan ay ka dhaceen.

Askariga dilay George Floyd ee Chauvin ayaa muuqaalka laga duubay waxa uu muujinaya isaga oo jilibka kaga qabtay qoorta Floyd 8 daqiiqo, 46 ilbidhiqsi guud ahaan, iyo 2 daqiiqo, 53 ilbidhiqsi ka dib markii Floyd aanu jawaabin ee uu geeriyooday, sida laga soo xigtay dacwad dambiyeed la soo gudbiyey Jimcihii shalay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.