Dawladda Soomaaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo ka hadlay Dil-wadareed Loo Geystay 8 Dhallinyaro Ah

Soomaaliya (HCTV) – Dhallnyaro tiradoodu dhan tahay 8, kuwaasi oo dhamaantood ahaa Xirfadleyaal Caafimaad ayaa lagu dilay goob keliya oo Dalka Soomaaliya ah.

Falkan oo dhacay Khamiistii doraad ayaan la ogayn Cidda geysatay, balse waxa la sheegay in dil wadareedkaasi loo geystay 8 dhallinyaro ah oo hawlo Caafimaad ka waday tuulada Galoolay hoostagta Dagmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ee dalka Soomaaliya.

Falkan Argagaxa leh ayaa waxa cambaaraysay Dawladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ku sheegtay inuu ahaa Weerar Argagixiso.

War-saxaafadeed Dawladdu soo saartay ayay ku tidhi  “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaarayneysaa ficilka argagaxa leh ee ka dhacay tuulada Galooley oo hoos tagta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kasoo lagu laayay 8 qof oo rayid ah.”

Xukuumadda Soomaaliya ayaa falkaasi ku eedeysay Kooxda Al-Shabaab, “Ficillada noocan oo kale ah oo lagu xasuuqo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaa ku caan baxay kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Dilka loo geystay dhallinyarada hawlaha Caafimaad ka waday deegaanka Galoolay ayaa waxa cambaareeyay Qaramada Midoobay, waxayna sheegtay in dilkaasi ahaa mid Araggax leh.

“Weerarada ka dhanka ah xarumaha caafimaadka iyo shaqaalahooda waa wax aan la aqbali Karin, waana jabin sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada iyo sharaf dhac..” ayuu yidhi, Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawlaha Bani-aadamnimo Adam Abdelmoula.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka