Somaliland: Covid_19 Oo Qofkii 19-aad Dilay Iyo 29 Kale Oo Laga Helay Maanta

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid_19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalin laha ah ee Xanuunka Covid_19 ayaa sheegay in 48-kii Saacadood ee u dambeeyay baadhitaan loo sameeyay 110 Qof, xanuunkana laga gelay 29 ka mid ah.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 24 ka mid ah Dadkaasi deggan yihiin Magaalada Hargeysa, halka 5-ta kalena ay deggan yihiin Magaalada Burco.

Agaasime Xergeeye waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in hal Qof oo Dumar ahaa uu u dhintay Xanuunka, taasina ay tirada guud ee Dadka uu Xanuunku ku dilay Somaliland ka dhigayso 19.

Ruuxa Dumarka ah ayaa Hargeysa ku Geeriyootay.

29-ka Qof ee Xanuunka laga helay ayaa tirada Guud ee Dadka Xanuunku ku dhacay ee Somaliland jooga ka dhigaysa 286 Ruux.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka