AFRIKA: Maayar Ka Qayb-qaatay Xasuuqii Tuutsiga Ruwanda Oo Xabsi Daa’im Kagu Xukumay

Ruwanda (HCTV) – Maxkamad ku taalla dalka Ruwanda ayaa Xukub Xabsi daa’in ah ku xukuntay Nin hore Maayar uga ahaa Magaalo ku taalla dalka Ruwanda, kaasi oo lagu helay inuu ku lug lahaa xasuuq loo geystay tobannaan kun oo Qof.

Falka ninkan lagu helay ayaa dhacay Sannadkii 1994-kii oo uu dalka Ruwanda ka dhacay xasuuq baahsan.

Ladislas Ntaganzwa oo hore u ahaa Maayarka Nyakizu oo ku taalla Koonfurta Ruwanda ayaa lagu eedeeyay kicin Dadweyne, si ay u geystaan Xasuuq, xilligii uu socday Xasuuqii loo geystay Qoomiyadda Tuutsiga ee dalka Ruwanda.

Afhayeen u hadlay Maxkamadda xukunka riddaya ayaa yidhi  “Ladislas Ntaganzwa waxa lagu Xukumay Xabsi daa’in, sababtuna waxa weeyaan Dambiyadii uu galay markii uu socday Xasuuqii Tuutsigu..” ayuu yidhi, Afhayeenka Maxkamadda u hadlay oo Magaciisu yahay Harrison Mutabazi

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka