Ciidammada Isreal Oo Toogtay Wiil Reer Falastiin Ah

Falastiin (HCTV) – Ciidammada ammaanka ee Dawladda Isreal ayaa toogasho ku dilay Wiil dhallinyaro ah oo reer Falastiin ah.

Sidaana waxa xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Dawladda Turkiga.

Dilka ayaa ka dhacay meel ku dhow Tuulada Nab Saalax oo hoos tagta Magaalada Raamalah ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin ee Yuhuuddu xoogga ku haysato.

Sida Wakaaladda Wararka ee Turkigu soo werisay Ciidamada Isreal oo Kaantarool ku leh meel halkaa ku dhow ayaa Rasaas ku furay dhallinyaro reer Falastiin oo ah, ka dibna waxa halkaa ku dhintay Wiil dhallinyaro ah, laakiin khasaaraha ayaa intaa ka sii batay markii ay Isku dhaceen Ciidammada Yuhuudda iyo Dhallinyarada Falastiin oo ka gadooday Dilka Wiilka hore loo geystay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka