Dabo-Gal Lagu Samaynayo Ku Dhaqanka Awaamiirta Ka Soo Baxay Guddiga Covid_19 Ee Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Guddiga ka hor-tagga Xanuunka Covid_19 ee Somaliland ayaa dib u eegis ku sameeyay Qodobbo ka mid ah kuwa lagaga hor tagayo Xanuunka Covid_19.

Guddiga ayaa sheegay in daba-gal lagu samaynayo fulinta Awaamiirta ay soo saareen, si loo hubiyo in sidii la rabay loogu dhaqmay iyo in kale.

War-saxaafadeed lagu faahfaahiyey Go’aammada dib u eegista lagu sameeyay soo gaadhay HCTV ayaa u qornaa sidan:-

GO’AAMADA AY GUDDIDA COVID-19 KU SAMEEYEEN DIB U EEGIS IYO KAABIS:

  1. GOOBAHA CIYAARAHA:

Goobaha Ciyaaraha (sida: Garoomada, Playgrounds, Jimicsiga) waa la furi karaa, balse waxa lagu amrayaa inay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

  1. GAADIIDKA DADWEYNAHA:

Dhammaan Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan; sida: basaska rakaabka, tagaasida, tikta (bajaaj) ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii ay Guddida COVID-19 hore u soo saartay, waxana ay ahaanayaan sidoodii hore ilaa 30-ka June 2020.

Sidoo kale, dhammaanba Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan waxa lagu amrayaa in ay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaanshaha, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

  1. MASAAJIDADA:

Dhammaan Masaajidada waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba hab-raacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19 (sida: sijaajadaha, kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga).

Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal ayaa lagu samayn doonaa. Sidoo kale, waxa xidhnaanaya Musqulaha iyo Goobaha weysada.

  1. GOOBAHA SHAQADA & GANACSIGA:

Dhammaan Goobaha Shaqada iyo Ganacsiga waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

  1. DUULIMAADYADA DIYAARADAHA:

Duulimaadyada Diyaaradaha, kuwa ku socda iyo kuwa ka imanayaba, ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii Guddida heer Qaran ee COVID-19 ay hore u soo saartay, waxayna ahaanayaan sidoodii ilaa 30-ka June 2020.

  1. ISU-IMAATINKA BULSHADA:

Waxa gebi ahaanba reeban (mamnuuc ah) isu-imaatinka iyo isu-soo-ururka bulshada nooc kasta oo uu yahayba, wax ka badan 10 qof (oo raacaya habraacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19, sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Wixii laga maarmi waayo, waxa ogolaansho Qoraal ah laga qaadanayaa Guddida Heer Qaran ee Ka hortagga iyo maaraynta Xanuunka COVID-19.”

 

ALLAA MAHAD LEH

Guddida Heer Qaran ee Covid-19