AKHRI: Sababta Mar Kale Dib Loogu Dhigay Shirweynaha Xisbiga KULMIYE

AKHRI: Sababta Mar Kale Dib Loogu Dhigay Shirweynaha Xisbiga KULMIYE

Faallo: Siyaasiyiinta Somaliland Wax Ha Ka Bartaan Qaabkii Loo Xalliyey Xanaftii Ka Dhalatay Doorashooyinkii Kenya
Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Socdaal Ku Tagay China
“Iran Way Iska Difaaci Doontaa Gardaro Kasta” Wasiir Javad Zarif
Macalin Ku Guulaystay ($1m) Abaal-Marinta Macalinka Adduunka 2019
“Cabdiraxmaan-Cirro Wuxuu Garan Waayay, Intaan Anigu Gartay..” Guddoomiyaha 31 May

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE ayaa Maanta ku dhawaaqay in dib loo dhigay Shirweynaha Xisbigaasi, sababo la xidhiidha Xanuunka Covid_19 oo Somaliland iyo dunida kaleba aad ugu faafaya.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo Maanta Saxaafadda la hadlay.

Guddoomiyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxa noo muddaysnaa bisha June Horraanteeda shirweynihii 4-aad ee Xisbiga KULMIYE inaanu qabano.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Sidaad la socotaan waxa dhacay Xanuun Adduunyada oo dhan saameeyay, Dadka Shirkaa ka soo qayb-galayaa waa kun iyo dheeraad, sidaasi darteed waxaanu go’aansanay inta aynu Xanuunkaa la dagaalamayno ee uu inna dhaafayo Shirkii inaanu dib u dhigno..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: