Soomaaliya: 10 Qof Ku Dhintay Qarax Iyo 13 Kale Oo Ku Dhaawacmay

Muqdisho (HCTV) – Qarax xooggan ayaa Maanta ka dhacay Waddada Lafoole ee Gobolka Shabeellaha hoose ee Dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa Miino Waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa la sheegay inay ka kacday gaadhi marayey Jidka, kaasi oo siday Dad Rakaab ah, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka hor-dhaca ah ee ka soo baxaya Qaraxan ayaa sheegaya inay ku dhinteen Dad gaadhaya 10 Qof, kuna dhaawacmeen 13 kale, kuwaasi oo isugu jira Dadkii Gaadhiga la socday iyo kuwii ka ag-dhawaa.

Inkasta oo ay xilli hore tahay, illaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxan khasaaraha badan geystay.

La soco Warkan faahfaahsan

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka