Somaliland: Tirada Dadka Laga Helay Covid_19 Oo Gaadhay 304 Qof

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid_19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalin laha ah ee Xanuunka Covid_19 ayaa sheegay in 24-kii Saacadood ee u dambeeyay baadhitaan loo sameeyay 43 Qof, xanuunkana laga gelay 18 ka mid ah.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 14 ka mid ah Dadkaasi deggan yihiin Magaalada Hargeysa, Magaalada Berbera waxa deggan 3 Qof, halka 1-na uu deggan yahay Magaalada Burco.

18-ka Qof ee Xanuunka laga helay ayaa tirada Guud ee Dadka Xanuunku ku dhacay ee Somaliland jooga ka dhigaysa 304 Ruux.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka