Baashe Oo Sheegay in Isaga Iyo Faysal Isku Hayaan Wakiillada Oo Yareeyay Miisaaniyaddii Xisbiyada

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka jawaabay eedaymo uu toddobaadkii hore u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Baashe oo maanta Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sababta uu Faysal u eedeeyay tahay inay isku hayaan Faysal Cali Waraabe Dhaqaalihii xisbiyadu qaadan jireen oo Golaha wakiilladu ka yareeyeen.

Baashe, ayaa xusay in Miisaaniyadda danbe xisbiyadu ku qaadaan doonaan Cabbirka codadkii ay ka heleen Doorashadii madaxtinimo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sheegay in ay go’aansadeen in aan guddoomiye Faysal, mar danbe isu soo sharraxayn doorashada madaxtooyada taas oo macnaheedu yahay in ay soo saarayaan xeer cusub oo ka mumnuucaya.

Warkaasi oo Muuqaal ah halkan Hoose ka Daawo

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka