Qofkii 23-aad Oo Somaliland Ugu Dhintay Covid_19 Iyo Dadka Laga Helay Oo Gaadhay 332

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in Dad cusub laga helay xanuunka Covid_19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Maanta Warbaahinta Siiyey War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19, ayaa sheegay in 24-kii Saacadood ee u dambeeyay uu Hal Qof Xanuunka ugu Geeriyooday Somalilnd, halka Dad cusubna laga helay.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 24-kii Saacadood ee u dambeeyay Baadhitaano loo sameeyay Dad gaadhaya 78 Qof, 28  Dadkaa ka mid ahna laga helay Xanuunka.

Halka Qof e Geeriyooday ayaa tirada Dadka u dhintay Xanuunka Covid_19 ka dhigaysa 23 Qof, halka 28-ka Qof ee laga helay xanuunkuna ay tirada guud ee Xanuunkaa qabta ee Somaliland joogta ka dhigaysa 332 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka