Dibed-baxyada Lagu Diiddan yahay Dilka Ninkii Madoobaa Oo U Gudbay UK

UK (HCTV) – Dibed-baxyada lagaga soo horjeedo Dilka Ciidammada Booliska ee dalka Maraykanku u geysteeb Ninkii Maraykanka Madow ahaa ayaa ka gudbay xuduudaha Maraykanka.

Dibed-baxyadan oo Toddobaadkii u dambeeyay ka socday Magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka ayaa Shalay u gudbay Dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Kummanaan qof ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalada London, kuwaasi oo ka cadhaysan dilkii loo gaystay nin madow oo aan hubaysnayn ee ay boolis ku dileen dalka Maraykanka.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boodhadh ay ku qoranyihiin “caddaalad ha loo helo dilkii George Floyd”, dilkii uu askari boolis caddaan ah uu u geystay nin madow ah.

Mudaharaadyada ka socda UK ayaa lagu qabtay fagaaraha Trafalgar ee ku yaala banaanka safaaradda Maraykanka.

Derek Chauvin, ayaa lagu xukumay dil ka dib markii uu dilay nin madow oo aan hubaynayn, sida ay baahinayaan Warbaahinta reer Galbeedku, laakiin waxa illaa hadda sii xoogaysanaya dibed-baxyada, waxaana jira Magaalooyin ay isku dhaceen Booliska iyo dibed-baxayaashu.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka