Somaliland: Wasiirro Laga Helay Xanuunka Covid_19

Hargeysa (HCTV) – Laba ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ayaa laga helay Xanuunka Covid_19.

Labada Wasiir ee Xanuunka laga helay waxa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland, Maxamed Axmed Cawed oo Xalay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in Xanuunka laga helay, balse Xaaladdiisa Caafimaad wanaagsan tahay.

Wasiirku wuxuu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay ka dib la xaqiijiyey inuu qabo Xanuunka Covid_19, laakiin Xilligan uu Caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Sidoo kale, sida laga soo xigtay Ilo-wareedyo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ah, waxa jira Wasiir labaad oo laga helay xanuunka, kaasi oo aan illaa hadda Magaciisa la shaacin.

Xanuunka Covid_19 ayaa Somaliland ku faafaya, waxaanu dilay Dad gaadhaya 22 Qof, halka laga helay 332 Ruux, waxaana ka soo kabtay 43 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka