Kalfadhiga 43-Aad Ee Baarlamanka Somaliland Oo Dib Loo Dhigay

Hargeysa, (HCTV) – Kalfadhiga 43-aad ee Baarlamanka Somaliland ayaa dib loo dhigay xanuunka Coronavirus ee sida xawliga ah u fidaya awogeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Kalfadhigan 43aad ee dib loo dhigay ayaa furmi lahaa 6-da bishan June, isla markaana waxa dhamaaday fasixii uu golaha Wakiiladu ku jiray.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Xoghayaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaaladda dalka ee Xanuunka COVID19 ay saamayn ku yeelatay habsami u socodka shaqo ee dawladda iyo guud ahaan dalkaba, sidaa awgeedna suurto-gal ay noqon wayday in xiligan kalfadhiga 43aad ee Golaha Wakiiladu uu furmo.