Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa Puntland Oo Ka Heshiiyay Khilaafkii Kala Irdheeyey

Garoowe, (HCTV) – War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in lasoo afjaray khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenkiis, Axmed Karaash ee mudada dheer kala irdheeyey labada masuul.

Soo Afjarida khilaafkaan ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah Isimada Puntland ay dedaal xoogan ku bixiyeen in labada masuul khilaafkooda lagu dhameeyo wada hadal iyo isu tanaasul, si khilaafku aanu u gaadhin meel fog.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland ayaa ballanqaaday inaanu mar dambe aanay soo noqon khilaaf kan la mid ah, ismaandhaafkii hore u dhacayna aan wax lagasoo qaadin lagana shaqeeyo amniga iyo horumarka Maamulka Puntland.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.