Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Xaqiijisay 18 Xaaladood Oo Cusub Oo COVID-19 Ah

Hargeysa, (HCTV) – Wasaarada Caaafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in maanta 80 qof oo lagu sameeyey baadhitaan ku saabsan Coronavirus laga helay 18 ka mid ah.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa tilmaantay in dadkaasi cusub ee COVID-19 laga helay hadda ay ku jiraan goobo caafimaad oo lagu karaantiimeeyay, waxaana xaaladdooda la socda dhakhaatiirta.
Mas’uuliyiinta dhinaca caafimaadku waxay sidoo kale tafaasiil dheeraad ah ay ka bixiyeen dadka cusub ee laga helay COVID-19, waxayna kala yihiin 15 qof oo Hargeysa jooga iyo 3 qof oo kunool Boorama,  halka 6 qof ay xanuunka ka bogsoodeen.
Wadarta isu-geynta guud Somaliland dadka qaaday xanuunka Coronavirus ayaa gaadhaya  guud ahaan Somaliland 376 qof, waxaana u dhintay 22 qof, halka ay ka bogsoodeen 54 qof,  sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka.
Somaliland waxay iminka ka mid tahay meelaha uu cudurka uu kusii faafayo, iyadoo maalin walba lasoo bandhigayo tobannaan xaalado cusub ah, iyadoo shalay laba kamid ah wasiirrada Somaliland la caddeeyay in COVID-19 laga helay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.