Soomaaliya Oo Dib U Furaysa Duulimaayadii Ay U Joojisay Cabsida Covid_19

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u furayso duulimaadyadii ay joojisay ka hor-tagga Cudurka Covid_19.

Wasiirka Wasaaradda Duulista ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar) oo kulan la yeeshay Agaasimaha waaxda duulista Rayidka we Soomaaliya iyo Shirkadaha la shaqeeya Tikidhada diyaaradaha ayaa sheegay in laga WADA-hadlay sidii dib lugu guri lahaaa Duulimaadyada.

Wasiirku ma sheegin wakhti caiman oo duulimaadyada diyaaradaha dib loo bilaabayo, lakin sida laga soo xigtay Wasaaradda duulista Soomaaliya waxa marka koowaad duulimaadyada lagu bilaabayo 5 diyaaradood.

Dhanka kale, Dawladda ayaa diyaarisay habab lagaga hor-tagayo covid_19, waxaana hababkaa la mid ah in dadka diyaaradaha raacaya lagu baadhayo gudaha madaarka iyo gudaha diyaaradaha.

 

Horn Cable TV

Waaxda ONLINE-ka