Soomaaliya: Golaha Wasiirrada Oo Meel-mariyey Qorshe Lagula Dagaalamayo Musuqmaasuqa

Muqdisho (HCTV) – Golaha Wasiirrada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan Maanta kh yeesheen Habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee Internet-ka,waxay ku meel-mariyeen Qorshaha la dagaallanka musuqmaasuqa ee 2020-2023

Wasiirka caddaaladda dawladda Federaalka ayaa golaha uga mahadceliyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dedaallada lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, sidoo kalena sare loogu qaadayo isla xisaabtanka.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka qeybtisii hore oo sidoo kale lagaga hadlay xaaladda COVID19, fulinta heshiiska IMF iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan Wasiirrada faray in la dardar geliyo fulinta qorshayaasha Wasaaradaha si loogu guuleysto dadaallada lagu xaqiijinayo himilooyinka Ummadda, sida baathist Maanta Warbaahinta Dawladda federaalka.

 

HORN CABLE 

WAAXDA ONLINE-KA