Dibed-baxyadii Jabuuti Oo Weji Kale Yeeshay

Jabuuti (HCTV) – Dibed-baxyada ka socda Dalka Jabuuti ayaa yeeshay Weji kale oo cusub.

Dadweynaha ku nool Magaalada Jabuuti iyo Gobolka Cali Sabiix ayaa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay waday dibed-baxyo ay ku dalbanayaan in xorriyaddiisa loo soo celiyo Fu’aad Axmed Cali oo ka mid ah Ciidammada Cirka Jabuuti, kaasi oo muddo laba bilood ah ku xidhan Suuli ku dhex yaalla Xabsiga Gabood ee dalka Jabuuti.

Dadweynaha ayaa Jidadka iskugu soo baxay, ka dib markii baraha Bulshada lagu baahiyey Muuqaal uu Fu’aad ku soo dhex duubay halka uu ku xidhan yahay.

Laakiin, Isku soo baxyada Rayidku dhigayaan waxa ka dambeeyay Kacdoon si hoose uga dhex bilaabmay Ciidammada Jabuuti, sida Millatariga.

Khamiistii iyo Jimcihii Shalay waxa dirayskii Ciidammada iska dhigay isla-markaana sheegay in dulmi lagu hayo Laba Askari oo Rag iyo Dumar ah.

Deeqa Ciise Duhur oo sheegtay inay Ciidammada ka mid ahayd ayaa tidhi “Shacbiyoow, Idinka dartiin ayaa dirayska u xidhay, idinka dartiina hortiina ayaa ku dhigayaa.”

Deeqa waxa ka dambeeyay Askari ka mid ah Millatariga Jabuuti, waxaanu sheegay in dhibaato ka dhex jirto Ciidammada, dhibaatadaana ay wadaan 4 Qof oo ka mid ah Madaxda Jabuuti.

Askarigan ayaa isagoo Muuqaal iska duubaya dhulka dhigay Derajadii uu xidhnaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka