Weriye Mudo Ku Xidhnaa Somaliland Oo Xoriyadiisa Dib U Helay

Hargeysa, (HCTV) – Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo hal sano ka badan xidhnaa ayaa maanta dib u helay xoriyadiisii. Waxayna sii dayntiisu ku timid cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.Weriye Coldoon oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka gaabsaday marxalada lagu jiro awgeed inuu ka hadlo qaabkii lagu xidhay.
“Maanta halkaan uma imaan inaan sii daayo hadalo aargoosi ah. Waxaan ku iloobayaa marxalada maanta la marayo iyo inaan gacmaha is qabsano,” ayuu yidhi weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Coldoon ayaa sanad kahor lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay madaxda Somaliland iyo faafitaanta warar been abuur ah oo lidku ah Jiritaanka Somaliland.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.