Dibadbax Ka Dhacay Kashmir Kadib Markii Ciidamada Hindiya Ay Dileen 5 Dagaalyahan

Kashmir, (HCTV) – Ugu yaraan shan dagaalyahan ayay dileen ciidamada dalka Hindiya oo ku sugnaa Shopian oo ka tirsan dhinaca Hindiya ay maamusho ee Kashmir.

Dilka ayaa dhacay Axadii maanta, kaas oo keenay in dadka deegaankaasi deganaa ay ka dibadbaxaan dhacdadaasi.

Wakaalada Wararka ee AP oo la hadashay Kornayl, Rajesh Kalia oo ah Afhayeen Ciidamada Hindida ayaa sheegay in ciidamo Milatari iyo boolis ahi ay isku gadaameen goob ku taala koonfurta Shopian oo lagu soo wargaliyey inay isku qarinayeen dablay hubaysani.

Waxaanu intaasi ku daray in markii ay is-weydaarsadeen Rasaas ay keentay mishada shanta dagaalyaha, sida uu sheegay Rajesh Kalia oo u waramayey AP.

Mudaharaadyo iyo iska hor imaad ayaa daba socday arintaasi, iyada oo boqolaal ka mid ah dadka deegaanka ay isku dayeen in ay ku dibadbaxaan goobta dablayda lagu laayey ee dagaalku ka dhacay.

Waxaanay dadku ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay kaga soo horjeedaan qabshada Hindiya ee Kashmir, lamina soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dibad-baxayaashii dhagaxaanta ku tuurayey bilayska iyo askarta milatariga, oo iyadugan ku ridayay rasaas iyo gaaska dadka ka ilmaysiiya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.