USA: Booliska Minneapolis Oo La Kala Dirayo + Sababta

USA (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa la kala dirayaa.

Golaha deegaanka magaalada Minneapolis ayaa ballan qaaday in uu kala dirayo waaxda booliska magaaladasi, xilli dalkaasi oo dhan ay ka socdaan dibad-baxyo ka dhashay dilkii bishii la soo dhaafay magaaladaasi loogu geystay George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubaysnayn.

Sagaal ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka Minneapolis ayaa sheegay in la dhisayo nidaam cusub oo ka shaqeeya bad-qabka shacabka, lana kala dirayo Booliska hadda shaqeeya oo in badan lagu eedeeyay cunsuriyad iyo midab-takoor joogto ah.

Tallaabadan oo Shacabku u arkaan mid dhanka wanaagsan loo qaaday ayaa imanaya xilli gobolo badan oo Maraykanka ah iyo Dad kale oo Yurub ah ay ka socdaan dibed-baxyo lagu muujinayo sida looga xun yahay dilkii loo geystay George Floyd oo ahaa nin madow ah oo aan hubaysnayn.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka