“Covid_19 Wuu Ka Fog Yahay Inuu Dhamaado..” WHO

Hargeysa (HCTV) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee Magaceeda oo soo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in Xanuunka Covid_19 uu ka fog yahay mid soo dhamaanaya.

WHO ayaa sheegtay in dhamaadsho la’aanta Xanuunka Covid_19 ay daliil u tahay sida joogtada ah ee ay u kordhayaan Tirada Dadka uu soo ridanayo.

Xilliga WHO sheegtay Warkan oo Shalay ahayd ayaa Dalka Imaaraadka Carabta oo keliya laga diwaangeliyey Kiisas gaadhaya 568, ka dib markii baadhitaan Caafimaad lagu sameeyay 32,679.

Caabuqa Coronavirus ayaa gaadhaya oo ku dhacay Dad gaadhaya 7 Million oo Qof, waxaana guud ahaan Caalamka u Geeriyooday 400,000.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka