Dalalka Sheegaya Inay Covid_19 Ka Xorroobeen Oo Soo Kordhaya

Tanzania (HCTV) – Madaxweynaha Dalka Tanzania John Magufuli ayaa ku dhawaaqay in waddankiisa uu ka xoroobay Xanuunka Coronavirus.

“Cudurka Corona waa laga tirtiray Waddankayada, Allaah ayaa mahad leh..” ayuu yidhi, Madaxweynaha Tanzania, waxaanu u Mahad-celiyey Shacabka dalkiisa oo uu sheegay inay u hoggaansameen Talooyinkii bahda Caafimaadka.

Ka hor inta aanu Madaxweynuhu ku dhawaaqin in Coronavirus laga xorreeyay dalkiisa, waxay Xukuumaddiisu joojisay macluumaadkii joogtada ahaa ee lagu sheegi jiray halka ay marayaan kiisaska fayraska corona ee dalkaas, waxaana War arrintaa la xidhiidha oo la soo saaro ugu dambaysay 29-kii bishii April, xilligaas oo Dadka uu Xanuunku ku dhacay ee reer Tanzania tiradoodu ahayd 509 Qof, halka dhimashadu ka ahayd 21.

Tanzania maaha dalkii koowaad ee ku dhawaaqa inuu ka xoroobay Xanuunka Covid_19, balse waxa sidan oo kale Shalay ugu dhawaaqay dalka New Zealand, waxaana sidaasi ku dhawaaqday Raysal-wasaaraha Waddankaasi oo Warbaahinta la hadashay.

Waxa kale oo jira dalal oo hoos u dhigaya Xayiraadihii saarnaa dadka.

 

Horn  Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka