IRAN Oo Dil Ku Fulinaysa Ninkii Maraykanka U Sheegay Halka Uu Joogo Qaasim Sulaymani Oo La Dilay

Tehran (HCTV) – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa dhawaan xukun del-dalaad ah ku fulinaysa Muwaadin IRAN u dhashay.

Ninka Xukunka Del-dellaadda ah lagu fulinayo ayaa lagu eedeeyay inuu Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA u sheegay goobta uu ku sugnaa Qassem Soleiman oo Maraykanku ku dilay Dalka Ciraaq.

Qassem Soleiman ayaa ahaa Sarkaal sare oo ka mid ah Ciidammada IRAN, waxaana Maraykanku ku dileen Gantaal ay la beegsatay mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ku.

Telefiishanka Al-carabiya, qaybtiisa Afka Ingiriisiga ah ee Internet-ka laga akhristo ayaa sheegtay in Afhayeen u hadlay Waaxda Garsoorka ee IRAN ay sheegeen in la dilayo Ninka Sirdoonka Maraykanka u sheegay goobta uu ku sugnaa Qassem Soleiman

“Mahmoud Mousavi-Majd, oo ka mid ah Basaasiinta CIA iyo MOSSAD waxa lagu xukumay dil, sababtoo ah Cadowgayaga siiyey Xogta ah) halka uu ku sugnaa Qassem Soleiman.” Ayuu yidhi Afhayeenka Waaxda Garsoorka IRAN Gholam hossein Esmaili oo Shir-jaraa’id qabtay

“Dhawaan ayaa la dilayaa.” Ayuu hadalkiisa raaciyey Afhayeenku.

3-dii Bishii January, 2020 ayaa diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn waxay Dalka Ciraaq ku dishay Soleimani oo ka mid ahaa saraakiisha Millateriga IRAN, si gaar ahna Madax uga Xoogga dalka dibeddiisa dhaqdhaqaaqyada ka wada, sida Ciraaq, Suuriya iyo meelo kale.

Dilkiisa oo sababay Dibed-baxyo waaweyn oo ka dhacay Dalalka IRAN iyo Ciraaq, ayaa ka dhacay Maalmo uun ka dib, markii IRAN soo ridday diyaarad Maraykanku lahaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka