Somaliland: Nin Da’diisu Ahayd 104 Jir Oo U Dhintay Covid_19

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta shaacisay Dad u Geeriyooday xanuunka Covid_19.

Dadka Geeriyooday ayaa Wasaaraddu Tiradooda ku sheegtay inay yihiin 2 Qof, kuwaasi oo midna ku Geeriyooday dalka Gudihiisa, mid dalka dibeddiisa oo loo geeyay in Xaaladdiisa Caafimaad lagula soo tacaalo.

Labada Nin ee Geeriyooday ayaa ka Hargeysa ku Geeriyooday waxay Wasaaraddu da’diisa ku sheegtay 104 Sano jir.

Ninkan 104 jirka ah ayaa noqonaya Qofkii ugu da’da weynaa illaa hadda Xanuunka Covid_19 ugu Geeriyooda Somaliland, sida ay wasaaradda Caafimaadku sheegtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka