Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo uu ku sheegay in Shirkadda DP World oo Maalgelinaysa Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Waraysi uu siiyey Telefiishanka Al-arabiya ku sheegay in shirkadda DP World oo Maalgelinaysa dekedda Berbera ee Somaliland ay khatar, Faro-gelin iyo kala qaybin.

Laakiin, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland Maanta ayaa lagu sheegay in hadalka ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid la doonayo in lagu Carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka