Soomaaliya: Jubbaland Oo Ka Hadashay Shir Wada-tashi Qaran ah Oo Guddoonka Aqalka Sare Ku Baaqay

Kismaayo (……) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Juubaland ayaa soo dhaweeyay Shir Wada-tashi Qaran ah oo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dawaldda Federaalka Soomaaliya ku baaqay in la qabto, si Maamullada qaybta ka ah Dawladda Federaalka loogu qanciyo doorashada oo la doonayo in xilligeeda lagu qabto.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland soo dhaweynayso Wada-tashiga Qaran ee Guddoomiyaha Aqalka sare ku baaqay, diyaarna u tahay inay ka qayb-gasho, si hawlaha Ummadda loo hayaa ugu hirgalaan sidii loo baahnaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka