Somaliland: 13 Qof Oo Laga Helay Covid_19 Iyo Tirada Guud Oo Ku Dhow 500

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay tirada Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid_19.

Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xuseen Maxamed Yuusuf oo Saxaafadda siiyey War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19, ayaa sheegay in baadhitaan la sameeyay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay xanuunka laga helay 13 Qof oo cusub.

Wuxuu sheegay Xuseen Maxamed Yuusuf in hal Qof oo cusub ka bogsaday Xanuunka.

Madaxa xidhiidhka Dadweynuhu wuxuu sheegay in xanuunku soo yaraanayo “Waxaad mooddaa in Xanuunka soo yaraanayo, Waayo? Tirada (Dadka laga helayaa) way soo yaraanaysaa..” ayuu yidhi.
13-ka Qof ee laga helay xanuunka ayaa Tirada guud ee ka dhigaysa 479 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka