Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta shaacisay Tirada Dadka xanuunka Covid_19 laga helay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay.
Wasaaradda ayaa sheegay in Dadkii baadhitaanka Caafimaad lagu sameeyay 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay 25 ka mid ah laga helay Xanuunka.
Tirada Dadka cusub ee Xanuunka laga helay ayaa Tirada guud ee Dadka laga helay Xanuunka Somaliland ka dhigaysa 504 Ruux, taasina waxay muujinaysaa in xanuunku uu illaa hadda aad ugu faafayo Somaliland.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-KA