Uganda: 4 Qof Oo Loo Xidhay Dilka Goriile Caan Ahaa

Uganda (HCTV) – Maamuleyaasha dalka Uganda u qaabilsan daryeelka Duur-joogta ayaa xabsiga u taxaabay Afar Nin.

Afarta Nin ee la xidhay ayaa lagu xidhiidhiyey inay dileen Danyeerka noociisa Goriilaha ah, kaasi oo da’diisu ahayd 25 sano jir, sidoo kalena caan ku ahaa deegaannada Dalxiiska loo tago.

Danyeerka oo hoggaamiye u ahaa koox Gorilayaal isaga la mid ah ayaa ahaa Lab muddo ku jiray Goobaha dalxiiska.

Daanyeerkan ayaa markii u dambaysay ku sugnaa Bwindi Impenetrable National Park, laakiin waxa la waayay 1-dii Bishan June, laakiin Maalintii ku xigtay ayaa bakhtigiisa la helay, sida uu ku warramay Telefiishanka Al-jazeera oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA