Boqortooyada Sucuudiga Oo Ka Fiirsanaysa In La Baajiyo Xajka Sanadkan

Riyadh, (HCTV) – Masuuliyiinta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka fiirsanaya inay baajiyaan soo gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay Boqortooyada 1932.

Talaabadan Boqortooyadu Sucuudigu ay kaga fiirsanayaan in Muslimiintu aanay sanadkan soo gudan Xajka ayaa timid kadib markii tirada cudurka coronavirus ee dalkaasi ay kor u kacday isla markaana ay dhaaftay 100,000 qof, sida ay sheegeen saraakiil sarsare oo ka tirsan Dawladda Sucuudigu.

“Kiisaska cudurkan ayaa si taxaddar leh loo darsayaa oo duruufo kala duwan ayaa laga fiirsanayaa. Hase yeeshee go’aan rasmi ah ayaa la qaadan doonaa toddobaad gudihiis,” ayuu wargayska Gulf News oo warkan ka soo xigtay masuul ka tirsan Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya isagoo u sheegay jariidada Financial Times ee UK maalin kasta.
Xajka, oo loo qorsheeyay dabayaaqada bisha July ee sannadkan, ayaa ah mid ka mid ah Tiirarka Diinta Islaamka oo ah ta ugu weyn adduunka, iyada oo inka badan laba milyan oo gudanaya cibaadada Xajku ay booqdeen Boqortooyada Sucuudiga si ay u gutaan waajibaadka Islaamka.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay sidoo kale ka fiirsan kartaa inay si aad ah uga fiirsato tirada xujaajta tagaya Xajka sanadkan oo la yareeyo.
Indonesia, oo ah dalka ugu dadka muslimiinta badan, ayaa baajisay ka qeyb galka muwaadinimadeeda ee Xajka, sidaana waxaa Jimcihii weriyay Gulf News.
Qiyaastii 220,000 qof oo ka yimid dalka Indonesia ayaa ka qeybqaadan jiray sanad walba.
Jimcihii, Malaysia ayaa sidoo kale xaqiijisay inaysan u diri doonin xujeyda sanadkan xajka.
Wadamada kale ee iyaguna baajiyay ayaa kala ah Singapore, Cambodia, Thailand iyo Brunei.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.