Geelle Oo Ka Hadlay Shirka Saaka Jabuuti Uga Furmaya Somaliland & Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Wada-hadallo Jabuuti marti-gelinayso oo dhex maraya Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Axadda Maanta ay Guddoomin doonaan Shir u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo ay wada yeelanayaan Wufuud ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Madaxweyne Geelle oo Xalay Qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa sheegay in shirka sidoo kale uu ku marti-qaaday Raysal-wasaaraha Itoobiya.

“Berrito dalka jabuuti, waxaan shir-gudoomin doonaa kulan dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si aan ula socono dadaalada dhexdhexaadinta ee labada hoggaamiye. Waxaan sidoo kale ku casuumay Raysal-wasaare Abiy Ahmed inuu ka soo qeyb galo wada-hadalada.”

Illaa hadda lama oga ajandaha shirka saaka ka furmaya Magaalada Jabuuti, kaasi oo la sheegay inuu dabada ka riixayo Maraykanku.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka