Jilaa Bollywood-ka Caan Ka Ahaa Sushant Singh Rajput Oo Maydkiisa Laga Helay Gurigiisa Mumbai

Mumbai, (HCTV) – Jilaa caan ka ah Filimada Bollywoodka ee Hindida oo magaciisa la yidhaa Sushant Singh Rajput ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala magaalada Mumbai, maalintii Axadii, waxaanay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi oo soo xiganaya Boolisku ay sheegayaan in 34 jirkan Actor-ka ahi uu is dilay.

Waxa kale oo warku intaa ku darayaa in Boolisku ay sheegayaan in Jilaaga oo filimadiisa caanka noqday ay ka mid yihiin Kai Po Che!, PK, iyo MS Dhoni: The Untold Story, iyo kuwo kale, in maydkiisa la helay isaga oo iska soo daldalay guri uu ku leeyahay xaafada Bandra ee magaalada Mumbai.

Afhayeenka Booliska Mumbai Pranaya Ashok ayaa cadeeyey in dhimashada Actor-kan iyo macluumaadka ku saabsanba ay baadhayaan.

Rajput ayaa intii aanu filimada Bollywood ku soo shaacbixin sanadkii 2013-kii filinkii uu directorka ka ahaa Abhishek Kapoor ee Kai Po Che! (I have cut), oo ku taxaluqay sheeda Chetan Bhagat, waxa uu ahaa xidig Telefishan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.