Puntland Oo Sheegtay Inaanay Marnaba Aqbali Doonin Go’aamada Ka Soo Baxa Wadahadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

Garoowe, (HCTV) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa maanta sheegay in aanay Puntland marnaba aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda shirka Jabuuti uga socda Somaliland iyo Soomaaliya

Madaxweyne Deni oo la hadlayay Baarlamaanka Puntland, ayaa tilmaamay Puntland oo ka maqan miiska wada hadalka in ay xaaraan tahay wax kaste oo kasoo baxa wada hadalka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

“Wadahadal kasta oo Somaliland lala galo oo aanaan qeyb ka ahayn ma aqbalayn annaga ayaa xuduud naga dhaxaysaa” Ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Waxaa madaxweynuhu sheegay in uu jiro khilaaf dhuleed oo ka dhexeeya Puntland iyo Somaliland, taasoo u baahan yahay in iyada marka hore xal laga gaaro, si looga fogaado colaad jiitanta.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu fursad siyaasadeed ka dhex raadinayo wada xaajoodka Somaliland uuna ku xad gudbay Puntland iyo shacabka gobolada Sanaag iyo Sool oo uu sheegay inay ahayd in wada xaajoodka laga qeyb galiyo.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.