Madaxweynaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dalka Jabuuti kaga qaybgalay wadahadalo Somaliland iyo Somalia uga socday dalka Jabuuti oo ay ku yeesheen.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa wax aka qaybgalay dadweyne tiro badan oo ku dhaqan caasimada Hargeysa, kuwaas oo lulayey calanka Jamhuuriyadka, kuna dhawaaqayey halku dhigyo ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo la hadlay Warbaahinta waxa uu ka hadlay arimo ku saabsan shirkii Somaliland iyo Somalia ay ku yeesheen dalka Jabuuti.