Jabuuti: Fanaanad Caan Ahayd Oo Geeriyootay

Jabuuti (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxa Xalay Magaalad Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku Geeriyootay Xabiiba Cabdillaahi Balbalaaf.

Xabiiba Cabdillaahi Balbalaaf ayaa ka mid ahayd fanaanniinta caanka ah ee Soomaalida, waxayna muddo dheer ka dhex muuqatay Kooxaha Fannaaniinta ee Jabuuti.

Xabiiba ayaa door wanaagsan ka soo qaadatay fanka Soomaalida, waxayna ka qayb-qaadatay Riwaayado badan, kuwaasi oo ay kaga qayb-qaadatay heeso iyp Mujaajilooyin labadaba.

Riwaayadaha ay caanka ku ahayd waxa ka mid ahaa “Ragoow Aarsi haween u Adkaysta markiina”.

Halkan Hoose Ka Daawo Waraysigii u dambeeyay uu HCTV ka qaaday

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka