Somaliland Oo Qaadday Xayiraadihii Lagaga Hor-tagayey Covid_19

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 30-ka bishan June la qaaday xayiraaddihii uu sababay Covid_19.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Covid_19 oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la qaaday xayiraadihii saarnaa duulimàadyada, waxbarashada, isku imaanshiyaha dadweynaha iyo xafladaha.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA