Muqdisho: Al-shabaab Oo Weerartay Saldhigga Tababbarka Ciidammada Ee Turkiga

Muqdisho (HCTV) – Qarax ismiidaamin ah ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo lala beegsaday Arday doonayey inay ku biiraan Ciidammada Dawladda Soomaaliya ayaa ku sugnaa Saldhigga Ciidammada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Dadka Askarta la qorayey oo saf ku jiray uu isku dhdx qarxiyey Qof isku soo xidhay waxyaabaha Qarxa.

Weerarkan oo ay masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-shabaab ayaan illaa hadda la ogayn inta uu leeg yahay khasaaraha ka dhashay, waxaysa Warbaahinta Al-shabaab taageertaa sheegayaan in qaraxaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka