Maraykanka Oo Sheegay In Ciidammada Soomaaliya Aanay Ka Adkaan Karin Al-shabaab

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Ciidammada Soomaaliya aanay lahayn awood ay kaga adkaadaan Dagaalyahannada Al-shabaab.

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidammada Soomaaliya ayna laheyn awood ay Al-Shabaab kaga saari karaan deegaannada ay ku xooggan yihiin.

“Dalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay taageerada ay siiyaan dalalka shisheeye, gaar ahaan dadaallada ay geliyaan arrimaha amniga” ayaa lagu yidhi warbixin ku saabsan howlaha argagixisada sannadka 2019-ka ee uu Mareykanku soo saaray.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab uu dakhli kasoo galo dhoofinta dhuxusha iyo canshuurta ay qaadaan ganacsatada iyo shacabka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka