Jabuuti Oo Samaysay Sanduuq Maal-Gashi (DSF) Oo Bartilmaameedsanaya $1.5 Bilyan

Jabuuti, (HCTV) – Dawladda Jabuuti ayaa samaysay sanduuq maaliyadeed oo madaxbanaan, oo lagu beegsanayo qaadhaan gaadhaya $1.5 bilyan oo dollar muddo toban sano gudahood, kaas oo la filayo inuu wax weyn ka taro dhaqaalaha dalkaasi.

Sanduuqan oo ay dowladdu leedahay ayaa beegsan doona maalgashiga gudaha iyo ka waddamada jaarka ah ee ku yaala mandaqada Geeska Afrika, sida lagu sheegay bayaan ay dawladdu soo saartay Khamiista maanta. Waxaana lagu sheegay in diiradda lagu saari doono shirkadaha ama warshadaha ay ka mid yihiin Isgaarsiinta, Teknolojiyada, Tamarta iyo Saadka.
“Sanduuqa looguma talagalin inuu noqdo ‘maal-gashade hantiyeed’ ‘oo hadafkoodu yahay in la abuuro wax-soo-saar iyo dakhliyada muddada dhow,” ayay tidhii dowladda Jabuuti.

Jabuuti, oo ku taal mid ka mid ah Marinada Maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka, waxa sii kordhaya muhiimada ay u leedahay gobolka iyo adduunka. Jabuuti waxay martigelisaa saldhigga ugu weyn Maraykanka ee ku yaal Afrika iyo xarunta taageerada Ciidanka Shiinaha.