Munaasibad Loogu Dabbaal-Degayo 60-Guurada Markii Somaliland Xorriyaddeeda Ka Qaadatay Ingiriiska Oo Madaxtooyada Lagu Qabtay

Hargeysa, (HCTV) – Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaal-degayo 60-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii oo ah markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeedii ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, ayaa caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadda loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 60-guurada kasoo wareegtay 26-kii, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, wakiilllo ka socda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga, qaar ka mid ah golaha wasiirradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, ganacsato, haldoor, aqoonyahan, haween, badiba labeenta bulshada reer Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintaasi leedahay iyo taariikhda ma guuraanka ah ee ay xambaarsan tahay.

Ergayga gaarka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ugu horrayn madasha ka hadashay, ayaa si qoto dheer uga warrantay taariikhda gaarka ah ee bulshada reer Somaliland ku dhex leedahay maalinta qaran ee 26-ka, waxana ay guud ahaan shacabka reer Somaliland usoo jeedisay inay ilaashadaan qarannimadooda.

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa isaguna si hufan u sharraxay heerarkii kala duwanaa ee loosoo maray qaranimada iyo dedaalkii ay bulshadu ku bixisay sidii uu qarankani u noqon lahaa mid taabbo-gal ah oo cagihiisa isku taaga.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baasha Maxamed Faarax oo khudbad ka jeediyey munaasibadda xuska sannad-guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska, ayaa hoosta xarriiqay in wada-hadalka u bilowday dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa caddeeyey in danta labada dhinac ku jirto in la noqdo laba dawladood oo deris ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shirku ha socdo, wada-hadalkana waynu wadaynaa, innagana dan baa inoogu jirta wada-hadalka, Soomaaliyana dan baa ugu jirta, inaga hadafkeennu waa inaynu noqonno laba dawladood oo deris ah oo walaalo ah oo isu hiiliya, iyagana saas bay dani ugu jirtaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda, waxana uu ku dheeraaday natiijadii aan la mahadin ee ay Somaliland kala kulantay midnimadii ay la gashay Soomaaliya Afar maalmood kaddib xorriyadii ay Ingiriiska ka qaadatay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale shacabka u caddeeyey ujeeddada loogga gol leeyahay qodob dhinaca is-dhexgalka ah oo ku jirey  qodobbadii kasoo baxay shirkii dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Jabuuti oo ay bulshadu siyaabo kala duwan u macnaysatay, waana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wixii is-dhexgelaya, horto siyaasadi iyadu way reebban tahay, xeer baana joojiyey oo iyadu kuma jirto, qofkii siyaasad u tagaana waa dambiile qaran, isdhexgalka kale wuxuu ku xidhnaanayaa, tusaale ahaan koox kubadda ciyaaraysa, ayaaba la doonayaa inay tagaan Soomaaliya, waa inay tagaan iyaga oo Baasaboorka Somaliland sita oo dawladda Soomaaliya tagtay oo magaca Somaliland ku ciyaaraya.”

Ugu dambayntii waxa calanka Jamhuuriyadda Somaliland la saaray markii ay saacaddu ahayd ahayd 12:00-kii Habeennimo, iyada oo uu madaxweynuhu salaan siiyey calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa Bilaahi Tawfiiq