Soomaaliya: Golaha Shacabka oo ansixiyay in gobolka Banaadir 13 kursi laga siiyo Aqalka Sarre.

Muqdisho (HCTV) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in Gobolka Banaadir 13 Senator laga siiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

142 Xildhibaan ayaa u codeeyay, 4 Xildhibaan ayaa diiday xeerkaan oo mudooyinkii dambe ay taagneed dood ka dhalatay.

Aqalka Sare ay tiradiisa guud ay noqon doonto 67 Senator, halka markii hore uu ka ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada ka socday.

Sidoo kale, Golaha ayaa dhegaystay warbixinta guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo-yaray.

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in doorashadu aanay xilligeedii ku qabsoomayn, sidaasi darteed ay u baahan yihiin 13 bilood oo ka bilaabmaysa bisha 7-aad, 2020 illaa bisha August, 2021.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka