Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka Ahi U Soo Xuleen Komiishanka Doorashooyinka

Hargeysa (HCTV) – Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta Ansixiyay labada xubnood ee xisbiyada Waddani iyo UCID u soo magacawdeen guddida Doorashooyinka Somaliland.

Maxamuud Siciid Dalmar, oo xisbiga Waddani soo magacaabay waxa ogolaaday 51 mudane halka Cabdifataax Ibraahim Xasan, 49 xildhibaan ogolaadeen.

52 xildhibaan ayaa ka soo xaadiray fadhiga golaha.

Labadan Xubnood ayaa hore Goluhu u diiday, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa dib ugu soo celiyey, ka dib markii ay wada-hadleen Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka