Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Hadlay Dib U Dhac Ku Imanaya Doorashada Soomaaliya

Muqdisho (HCTV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor-yimid muddo 13 bilood ah oo Komiishanka doorashooyinka Soomaaliya sheegtay inay dib u dhacayso Doorashada Dalka Soomaaliya.

Sabtidii Shalay waxa Aqalka sare war-bixin ka hor-jeedisay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliya Marwo Xaliimo-yarey, waxayna sheegtay inaan doorashadu xilligii loo baahnaa ku qabsoomayn oo ay dib  dhacayso.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta hadlay ayaa arrintaas Cambaareeyay isla-markaana ku tilmaamay wax aan la aqbalin, waxaanu yidhi isagoo Arrimahaa ka hadlaya  “Waxaa la joogaa waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal. Shalay oo taariikhdu ahayd bisha Juun 27, 2020 waxaa golaha shacabka hadal jeedin ka sammeeyay guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim. Hadaljeedinta guddiga oo muddo laga war dhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay oo dadka Soomaaliyeed ka yidhaahdeen “TANI TAAN U DHIGANNAYBA MA AHA” li’anna lagama sugeynin muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaasadeed oo hor leh..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Muddo saddex sano ka badan guddiga waxay noo sheegayeen inay doorashada diyaar ka tahay dhankooda. Hase yeeshee, hadal jeedinta guddiga waxaa ka soo baxday inay ummadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo waqti xeero faldhaan kala dhaceen ay ummadda u soo dhigeen iney ruux dheereysi u sammeeyaan hoggaan muddo ku dhaw AFAR SANO wax ka qaba waayay doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyay burburinta nidaamka federalka ee dalku doortay. Sidoo kale hadal jeedinta guddiga waxaa laga dhadhansan kara muddo kordhin rimman muddo kordhin kale sababaha aan soo sheegi doono awgood.

Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw AFAR sano. Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yidhaa. Haddaba, ninkii doorasho laga sugayay ee aan ka hadlin muddadaas dheer sow shalay afkiisa af aan ahayn looguma hadlin? oo GMDQ nama dhihin Madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah (Madaxweynaha, 2da aqal ee baarlammaanka iyo guddoonkooda, afar sano howl doorasho maalinne ma soo hadal qaadin laakin doorasho wey qaba karaan haddii loo kordhiyo muddo xiloodkood ku dhawaad SANNAD ama ka badan. Arrinkaasi “WAA KAAF IYO KALA DHEERI”!

Hadal jeedinta guddiga waxaa kale oo ku cad muddo kordhin hoosta ku wadato muddo kordhin kale. Taas waxaa daliil u ah guddigu waxay ku andacoodeen ama ka muuqata hadal jeedintooda asbaabtii keentay dib u dhaca oo ay ugu horreyso hoggaankii iyo hay’adaha ay u tiirinayeen dib u dhaca iney wali ka sugayaan wixii ay ka waayeen muddo AFAR sano ah. “ALLOW RUNEY YAA KU SHEEGA”!

  1. Hoggaanka iyo xukuumadda laga dhur sugayo sow ma aha kuwi tan iyo markii ay talada yimaadeen khilaaf iyo burburin ku waday dowladaha xubnaha ka ah federaalka.
  1. Madaxweynaha wuxuu horay u ballan qaaday ineysan jiri doonin wax muddo kororsi ah, taasoo uu ku tilmaamay iney lumineyso kalsoonida lagu qabo dowladnimada. Sidaas daraadeed wax la aqbali karo ma aha inuu maanta noogu soo dul gabbado GMDQ isagoo raadinayo muddo kororsi.
  1. Sidii aan horay u soo sheegay, fidnada iyo qalalaasaha maanta ka dhex taagan labada aqal ee baarlammaanka waxaa aad uga muuqda faraha madaxweynaha oo shalay aqalka sare KOORAMKII ku waayay faragelin qaawan awgeed.”

Ugu dambayn, wuxuu soo saaray baaqan “Madaxweynaha JFS, waxaan ugu baaqayaa inuu dhago laab u daloola ku dhageysto baaqeyga:

  1. Waqti ayaa horay dalka iyo dadka uga soo lummay ee fadlan mid kale ha kasii luminin.
  1. Waqtiga yar ee ka hadhay xilli-xileedkaaga hal arrin ayuu ku filan yahay. Kaas oo ah inaad u istaagto in doorashada loo helo heshiis siyaasadeed si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale laguugu soo doorto.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka