Hargeysa: Ciidammada Booliska Oo Xidhay Wiil Tiriyey Maanso Dhaliil Ah.

Hargeysa (HCTV) – Ciidammada Booliska ayaa xidhay Shucayb Cabdiraxmaan (Shucayb yare) oo ka mid ah fanka iyo suugaaanta ee xilliyada dambe soo baxay.

Shucayb yare ayaa waxa xadhiggiisa xaqiijyey Weriye Cabdiqani Kaarshe oo la joogay xilliga ay Ciidammada ammaanku qabanayeen.

Abwaanku Toddobaadkan ayuu soo saaray Maanso uu kaga hadlay xaaladda dalka isla-markaana uu dhaliil ugu jeediyey hoggaanka Qaranka Somaliland.

Lama oga Sababta xadhiggiisu inay la xidhiidho Maansada dhaliisha ah ee uu saaray, taasi oo si weyn ugu baahday baraha bulshadu ku wada xidhiidho.

 

Horn Cable Tv

WAAXDA ONLINE-KA