Itoobiya: Fanaan La Dilay, Mudaharaaddo Ka Bilaabmay Addis Ababa Iyo Taalladii Boqor Mililik Oo La Gubay + SAWIRRO

Itoobiya: Fanaan La Dilay, Mudaharaaddo Ka Bilaabmay Addis Ababa Iyo Taalladii Boqor Mililik Oo La Gubay + SAWIRRO

WARBIXIN : Halkee ayay Maraysaa dhismaha Wadada Ceerigaabo.
Hindiya Maxay Ku Wayday Dulqaadka Diimaha Ee Ka Hirgalay Indonesia
Madaxweyne Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Wasiirka Khaarajiga Oo Ka War-Bixiyey
Cilad gashay nidaamka daabacaadda Baasaaboorka Soomaaliya.
Madaxweyne Biixi Oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad-Guuradda 26-Aad Ee Aas-Aaska Ciidanka Qaranka JSL

Addis Ababa (HCTV) – Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya waxa Xalay lagu dilay Haacaaluu Hundeessaa oo ahaa Fanaan Caanka ah Itoobiya.

Haacaaluu Hundeessaa ayaa ahaa Fanaan door weyn ka soo qaatay Dibed-baxyadii Qoomiyadda Oromadu ka samaysay dalka Itoobiya isla-markaana horseeday Isbeddelka ka dhacay siyaasadda iyo Hoggaanka sare ee dalkaasi.

Fannaanka oo Qaadi jiray Xilliyadii Dibed-baxyada Heeso uu ku kicinayo Shuruucda Dhallinyarada Qoomiyadda Oromada oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, ayaa lagu toogtay Shalay Magaalada Addis Ababa, waxaanu Xalay Cisbitaal Addis Ababa ku yaalla ugu Geeriyooday dhaawaca toogashada ka soo gaadhay.

Illaa hadda lama oga Cidda dilkiisa geysatay, balse Kumanaan Dhallinyardaa Qoomiyadda Oromada ah oo Xalay isku urursanayey Albaabka Cisbitaalkii uu Fanaanku ku Geeriyooday ayaa Saaka Mudaharaad ka sameeyay Magaalada, iyagoo dab qabadsiiyey Taalada Boqor Mililik oo ka soo jeeda Qoomiyadda Axmaarrada ee Itoobiya, taasi oo dhalisay shaki ah in Oromadu Dilka Fanaanka ku tuhmayso Axmaarrada.

La Soco wixii ka soo kordha Mudahaaraddada ka socda Itoobiya

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: