Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiillada Oo Soo Jeediyey In Faysal Cali Waraabe Lagu Soo Oogo Dacwad Sababi Karta 5 Sano Oo Xadhig Ah

Hargeysa (HCTV) – Guddida joogta ah ee Golaha Wakiillada ayaa sheegay in Golaha Wakiillada Somaliland uu kalsoonidii iyo wadashaqayntii kala noqday Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddiga oo Goor dhawayd Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiillada ayaa iyagoo daliishanaya Qodobbo ka mid ah Dastuurka waxay sheegeen inuu Guddoomiyuhu ku gefay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doorto Gobollada bariga, sidasi darteedna ay soo jeedinayaan in xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland inuu kusoo oogo eedaymo salka ku haya Kicin dadweyne oo ay sheegeen inuu ka dhalan karo xadhig u dhexeeya 6 Bilood ilaa 5 sano oo uu wajihi karo Gudoomiyaha xisbiga UCID.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka